Ukraine ( Raxanreeb Online) Xafiiska Madaxtooyada Ukraine ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Zelensky uu saaka khadka telefoonka kula hadlay Donald Trump.
Waxay sheegtay madaxtooydu “Wicitaanka wuxuu ahaa mid dheer — marka hore wuxuu dhex maray madaxweyneyaasha Zelensky iyo Trump, kadibna hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa ku soo biiray.”
Si aan kuu xasuusino, Zelensky kama qeybgelin wadahadalladii Jimcihii dhex maray Trump iyo Putin. Madaxweynaha Mareykanka ayaa horay u soo jeediyay in shir labaad la qaban karo — midkan oo uu Zelensky ka mid noqon doono — haddii wadahadalladii hore si wanaagsan u dhacaan.

Leave a Reply