Berbera ( Raxanreeb Online) Madaxweyenaha Somaliland Cabdriaxmaan Cirro oo ku sugan magaalada Berbera, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku hawllan tahay sidii ay aqoonsi caalami ah uga heli lahayd adduunka.
“Somaliland adduunku waa uu danaynayaa, gaar ahaan marka ay timaaddo arrimaha badda. Waxa aad ogaydeen in dhawaan taliayaha ciidammada badda iyo wasiirro kale waxa ay tageen Taiwan si aan isaga kaashanno dhinaca badda iyo ciidanka,” ayaa uu yiri madaxweyne Cirro.
Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Cirro, inay jireen maalgashadaal badan oo danaynaya Berbera, isla markaana ay dhowaan bilaaban doonto tallaabooyinka arrimaha la xiriira, si dhaqaalaha Somaliland uu kor ugu kaco.
Madaxweyne Cirro oo la hadlayay madax-dhaqmeed iyo dad kale oo ku sugan Berbera ayaa ballanqaaday in aqoonsi ay somaliland ka hesho caalamka uu naawilayo maalin ka mid ah muddo-xileedkiisa.

Leave a Reply