Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay deegaanka Hur-caduur

Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay deegaanka Hur-caduur

Ceeldheer ( Raxanreeb Online) kulan looga hadlay dardargelinta amniga iyo xasiloonida degmada Ceeldheer iyo deegaanada hoostago ayaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka waxaa ay la yeesheen odayaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Saraakiisha Ciidanka xoogga ayaa goobjoog ka ahaa heshiis laga gaaray shaqaaqo dhawaan ka dhacday deegaanka Hul-Caduur oo hoostago degmada Ceeldheer.

Odayaasha dhaqanka ayaa balanqaaday inay adkeyn doonaan amniga iyo xasiloonida islamarkaana ay garab u yihiin Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka in ay ku garabsiiyaan baacsiga khawaarijta oo si xooggan uga socda bariga Gobolka Galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.