Number 50 (Raxanreeb) Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar, iyo Ganeraal Sebahattin Kalkan, Taliyaha Ciidanka Turkisom, ayaa gaarey deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada ee ku sugan deegaanka Number 50 ee gobolka Shabellaha Hoose.
Intaa ka dib, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka iyo Ganeraal Sebahattin waxay booqdeen halka laga dhisayo isbitaalka deegaanka Number 50, iyaga oo bogaadiyay mashruuca dhismaha iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada deegaanka.
Sidoo kale Taliye Sahal ayaa ciidanka ku dhiirgeliyay in xoojiyaan howlgallada ka socda deegaanada Shabeellaha Hoose, inta ay kaga sugan yihiin, waxa uu Taliyaha Ciidanka Dhulka uu cadeeyey saraakiisha iyo ciidanka, in dowladda ay la garab taagan tahay wax walbo ay u baahan yihiin sida Saadka ciidanka iyo raashiinka.

Leave a Reply