Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goordhaw qarax xooggan uu ka dhacay magaalada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lagu weeraray xarunta hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee godka Jilacow, isla markaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxlaha qarax.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa inta badan waxaa laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir, lamana oga khasaaraha uu geystay qaraxa.
Qaraxa kaddib ayaa waxaa aad loo maqalaya rasaas ka dhaceysa goobta uu qaraxa ka dhacay, balse lama oga cida ay u dhaxeeyso.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply