Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabis sameeyay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabis sameeyay

Muqdisho (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare ayaa wariyihii hore ee BBC-da Cabdinaasir Saxansaxo u magacaabay Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ahna Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xame ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Cabdinaasir Axmed Bashiir u magacaabay Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ahna Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga bilaabo maanta.”

Xilkan ayaa waxaa hore u hayay Farxaan Maxamed Jimcaale oo dhawaan ka mid noqday Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.