Shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo banaanbax cabasho ah ka dhigay Muqdisho

Shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo banaanbax cabasho ah ka dhigay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb Online) Shaqaalaha shirkadda Favori ayaa saaka mar kale cabasho iyo bannaanbax xooggan ka sameeyay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii sida ay sheegeen loo diiday in ay gudaha u galaan garoonka.

Shaqaalaha ayaa ka cabanaya in lacag ka mid ah mushaaraadkooda la goostay, iyagoo ku eedeeyay maamulka shirkadda in ay ku sameeyeen xadgudub, waxayna taasi sababtay in qaar ka mid ah howlihii shaqo ee garoonka ay saaka hakad galaan, kaddib markii qaar kamid ah shaqaalaha muhiimka ah ay joojiyeen shaqooyinkii ay hayeen.

Bishii hore ayaa sidaan oo kale shaqaalaha garoonka Aadan Cadde cabasho shaqo joojin ah u sameeyeen, iyadoo oo dowladdana ay ku amray shirkadda Favori in aysan mar dambe soo laaban cabashooyinka shaqaalaha.

Muddooyinkii dambe waxaa jiray khilaaf u dhexeeya maamulka shirkadda Favori iyo shaqaalaha Soomaalida, kaas oo ku saabsan xuquuqda shaqaalaha iyo go’aano lagu sheegay kuwo cadaalad darro ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.