Muqdisho (Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa saakay ka dhacaya banaanbax ballaaran oo ay dhigayaan shacabka magaalada Muqdisho, kaasi oo ay uga soo horjedaan xadgudub ay Israa’iil ku sameeysay Soomaaliya iyo aqoonsiga Somaliland,
Banaanbaxa ayaa ka dhacaya Tuulada Ciyaaraha (Istaadiyo Muqdisho) waxaana hadda ku sii qulqulaya shacab fara badan oo doonaya in ay ka qeyb galaan banaanbaxa.
Waxaa la filaya in banaanbaxa ay ka qeyb galaan mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo khudbad adag ka jeedin doonaa goobta.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey iyada oo la filayo in goordhaw uu biloowdo banaanbaxa.
Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply