Maxaa ka jira in la ceyriyay ilaaladii saarnayd maraakiibta jariifka ee ku sugnaa xeebaha Puntland ?

Maxaa ka jira in la ceyriyay ilaaladii saarnayd maraakiibta jariifka ee ku sugnaa xeebaha Puntland ?

Sida ay ilo wareedyo inoo shegeen ilaaladii Soomaalida ahayd ee saarnayd maraakiibta jariifka ah ee ku sugan xeebaha Puntland, ayaa dhammaan shaqadii laga cayriyay, waxayna lagu baddelay kuwo ajaaniib ah.

Ku dhawaad boqol ka mid ah ilaalada la eryay oo qaadan jiray lacag u dhexeysa $500 ilaa $700 ayaa maalmihii la soo dhaafay soo gaaray degmooyinka xeebaha Puntland, kuwaas oo hadda wajahaya shaqo la’aan.

Sababta shaqada looga cayriyay ilaalada Soomaalida waxaa lagu sheegay in ay la xiriirto ku lug lahaanashaha iyo fududeynta weerarada ka dhanka ah maraakiibta jariifka ee muddooyinkii dambe ka dhacayay xeebaha Puntland.

Koox hubaysan ayaa 31 bishii December 2025 markab kuwa jariifka ah oo lagu magacaabo LDY578 ku qabsaday xeebaha degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar, kuwaas hadda dalbaday lacag madax furasho ah. Markabkan waxaa sidaan oo kale 2024 qabsaday koox hubaysan oo markii dambe ka qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa labo milyan.

Maamulka Puntland ayaa bixinayay shatiyada kalluumaysiga laga soo billaabo 1998kii, balse waxaa tan iyo markaas la ogeyn meesha ay ku dhacdo lacagaha shirkaduhu bixiyaan.

Sidoo kale way adag tahay in la qiyaaso lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumeysiga, waxaana jira tuhun weyn oo ah in xitaa shaqsiyaad ay si sharci-darro ah shatiyo kalluumeysi ku siiyeen shirkado jilaabta kalluunka tuunaha oo ku badan Badweynta Hindiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.