Jubbaland iyo Puntland oo si kulul uga hadlay go’aankii lagu celiyay diyaaradihii siday ilaaladooda

Jubbaland iyo Puntland oo si kulul uga hadlay go’aankii lagu celiyay diyaaradihii siday ilaaladooda

Kismaayo ( Raxanreeb Online) War kasoo baxay maamulka Puntland, ayaa si adag looga hadlay amarkii ay dowladda Soomaaliya bixisay ee dib loogu celiyay diyaaradihii siday ilaalada madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Ciidamadan laga celiyay magaalada Muqdisho, ayaa ku hubeysanaa hubka darandooriga u dhaca iyo rasaas fara badan.

Ciidamadan iyo wefdiga hordhac u ahaa madaxweynaha Puntland Siciid Deni, oo ka qeyb gali lahaa shirka wadatashiga ee mucaaradka iyo dowladda federaalka.

Hoos ka akhriso war-saxafadeedka Puntland.

Sidoo kale qoraal kasoo maamulka Jubaland, ayaa lagu sheegay in si adag uga xuntahay go’aanka xilkasnimo-darada ah ee maanta halis toos ah lagu geliyay wafdiga hordhaca ah iyo ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, kaddib markii Dowladda Federaalka ah ay ka celisay Diyaaradii waday hawada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

“Bilowgii safarka, diyaarada siday xubnahan oo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa si rasmi ah loola socodsiiyay Hay’adda Duulista Rayidka, guddiga qaban-qaabada shirka iyo laamaha Amniga Dowladda Federaalka ah. Hase yeeshee, markii diyaaraddu ku dhowaatay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayaa si lama filaan ah loo soo saaray go’aan cusub oo ah inay dib ugu laabato Magaalada Kismaayo, iyadoo aan la hubin in diyaaraddu haysato shidaal ku filan oo ay dib ugu laaban karto magaalada Kismaayo. Arrintan waxay ka tarjumaysaa masuuliyad-darro weyn iyo go’aan cadownimo ah oo halis geliyay nolosha wafdiga hordhaca ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in maanta hawada laga celiyay labo diyaaradood oo shacab ah kuwaas oo waday dad rayid ah, taas oo ay ku tilmaamtay inay muujinayso halista iyo qalalaasaha ka dhalanaya tallaabooyinkan.

Ugu dambeyn qoraalka Jubbaland ayaa lagu yiri” Dowladda Federaalka ah oo ka caga-jiidaysa qabsoomidda Shirka Wadatashiga ah ee Muqdisho, waxay u muuqataa in ay ka go’antahay inay wado walba u marto baajinta shirkaas, arrintaas oo muujinaysa niyad-sami la’aan iyo ka go’naansho la’aanta in xal laga gaaro xaaladda cakiran ee dalka”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.