Maxaa saakay ka soconaya xarunta Baarlamaanka ee golaha shacabka ?

Maxaa saakay ka soconaya xarunta Baarlamaanka ee golaha shacabka ?

Muqdisho (Raxanreeb Online) Xildhibaanada Baarlamaankan Golaha shacabka ayaa maanta kulankoodi caadiga ahaa waxa ay ku lee yihiin xarunta Viila Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ka hor furitaanka kulanka waxaa xarunta ka biloowday buuq iyo sawaxan, kaddib xoog ay xarunta ku soo galeen xildhibaano laga mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka, sida lagu sheegay qoraal shalay kasoo baxay xafiiska guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya. Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya, ayaa gudaha xarunta soo galay si xildhibaanada xooga ku soo galay xarunta uga saraan, waxaana xarunta ka jira buuq iyo is jiidjiid u dhaxeeya ciidanka iyo Xildhibaanada.

Sidoo kale weli guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, ma tagin xarunta, waxaana xaalada maanta ay u muuqata mid sii abuuri karta qalalaasaha siyaasada ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah xildhibaanada laga ganaaxay 12-ka kulanka ee Baarlamaanka, ayaa ku doonaya in tallaabada guddoonka Baarlamaanka aysan soconeynin, maadama uu dhammaaday kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayna sharci darro tahay inay sii socdaan fadhiyada Baarlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.