Wefdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo u amba baxay dalka Tanzania

Wefdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo u amba baxay dalka Tanzania

Aruusha ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta u dhoofay magaalada Ruusha ee caasimada dalka Tanzaaniya, halkaasi uu ka qeyb galayo meertada 25-aad ee shir madaxadeedka Ururka dallada bulshada Bariga Afrika oo ay ku mideysan yihiin ilaa iyo sideed dalka.

Wefdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali iyo wasiirka howlaha gud ee Soomaaliya Ayuub Ismaaciil iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa la filaya inuu shirka ka jeediyo khudbad dhnacyo badan taabaneyso, markaana uu hadlayo xaaladda gobolka iyo sidii loogu gudbi lahaa.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Aruusha, waxa uu la kulmi doonaa madaxda dalka Tanzaaniya iyo madaxda kale eek a qeyb galeysa shirka.

Ururka dallada bulshada bariga Afrika, waxaa ku mideysan ilaa iyo sideed dal oo kala Soomaaliya, Kenya Yugaandha, Tanzania, Burundi, Ruwanda, Koonfta Suudaan iyo Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Kongo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.