Howlga culus oo ka dhan kooxda AS oo laga fuliyay gobolka Jubbada Hoose

Howlga culus oo ka dhan kooxda AS oo laga fuliyay gobolka Jubbada Hoose

Kudhaa ( Raxanreeb Online) Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxeysa howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Danab iyo kuwa daraawiishta Jubbaland, kaasi oo ka dhacay deegaano hoosta degmada Kudhaa ee katirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii ciidanka huwanta ah ay heleen xog ku aadan in xubno katirsan Al-shabaab, isku uruursanayeen deegaanada hoostaga degmada Kudhaa.

Maamulka Jubbaland oo si kooban uga hadlay dagaalka, ayaa sheegay in la bartilmaameedsay horjogaal iyo xubno katirsan Al-shabaab oo isugu uruursanayay deegaanadaasi.

Weli si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay howlgalka ciidanka xoogga iyo kuwa Jubbaland.

Sikastaba, degmada Kudhaa waxaa horay uga dhacay dagaalo khasaaro kala duwan geystay oo halkaasu ku dhex-maray  ciidanka xoogga iyo kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.