Itoobiya oo diiday dalab ay u soo bandhigtay dowladda Jabuuti

Itoobiya oo diiday dalab ay u soo bandhigtay dowladda Jabuuti

Jabuuti ( Raxanreeb Online) Sida ay sheegeen ilo diblumaasi, dawladda Itoobiya ayaa diiday qorshe ay u soo jeedisay Jabuuti oo ahaa in 60% saami ka siinayso dekedda Tadjoura ee Jabuuti.

Dawladda Jabuuti, ayaa sheegtay in dalabkan ay u bandhigtay Itoobiya in ay saami badan uga hesho Dekeddaha dalkeeda, balse ay taasi iska diiday, iyada oo dalbatay in ay doonayaan in dalabkaas uu la socdo marin ay helaan, sida uu sheegay Guddoomiyaha Dekeddaha iyo Aagga cashuuraha ka caagan ee Jabuuti Aboubakar Omar Hadi.

Guddoomiyaha Dekeddaha iyo Aagga cashuuraha ka caagan ee Jabuuti Aboubakar Omar Hadi oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Dalabkayagu waxa uu ahaa 60% saamiga dekedda Tadjoura.

Dawladda Itoobiya way diiday dalabkaas, waxayna dalbatay marin dheeraad ah oo ka baxsan saamiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.