Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo cadeeyay xiriirka adag ee kala dhaxeeya Ruushka

Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo cadeeyay xiriirka adag ee kala dhaxeeya Ruushka

Ruushka (Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabaas Araghchi, ayaa gaaray magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka.

Wasiir Cabaas ayaa sheegay sheegay in mar walba Ruushka la leeyihiin wadatashi dhow iyo xiriir laba geesood ah oo joogto ah, balse waxaa jiray hakad ku yimid kulamada sababo la xiriira dagaalka mudada socda”, ayuu Cabaa.

Isaga oo intaas ku daray in ay hadda timid fursad ay kula tashadaan oo ay isku arkaan iyaga iyo saaxiibkooda Ruushka.

wasiirka ayaa hore safari ugu soo maray dalalka Pakistaan iyo Cumaan, isaga oo intii uu ku sugnaa Pakistaan wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan sheegay in Pakistaan ay door muhiim ah ka qaadatay dhex-dhexaadinta wadahadallada Iiraan iyo Maraykanka,.

“waxaana muhiim ahayd in laga wada hadlo horumarradii ugu dambeeyay,waxaan la yeelanay kulan wanaagsan saaxiibadeenna Pakistan, taas oo Ilaahay mahaddii ahayd iyo safar aad u guuleystay” ayuu yiri wasiir Cabaas.

Waxaan dib u eegnay wixii dhacay, waxaana ka wada hadalnay waddada iyo shuruudaha ay wadahadalladu ku sii socon karaan”.

Waxa uu sidoo kale, safarkiisii Cumaan ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ahaa xiriirka ay la leeyihiin waddamada Khaliijka, “Annaga iyo Cumaan waxaan nahay laba dal oo xeeb ku leh Marinka Hormuz, ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Cabaas.

Sidoo kale waxa uu xusay in lagama maarmaan ahayd in arrintan laga tashado, bad-qabka isku socodka Hormuz ay muhiimad gooni ah lee dahay.

Waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay isku-duwid dhow si loo xaqiijiyo danaha wadajirka ah, ee Cumaan, Iiraan iyo dalalka kale ee ku teedsan Hormuz.

Leave a Reply

Your email address will not be published.