Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta meel adag ka istaagay xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo cambaareeyay qorshaha ay Somaliland safaarad uga furaneyso magaalada Qudus ee la heysto.
Madaxweyne Xasan oo hadalkan ka jeediyay munaasabada Ciida, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay sinaba u aqbali doonin, mashruuc lagu doonayo in Israa’iil lagu keeno dhulka Soomaaliyeed.
“Ma Israa’iil ayaa lagu yaqanaa samafal ? Ma Israa’iil ayaa lagu yaqaana in ay nabad ka shaqeyso ? Ma Israa’iil ayaa lagu yaqaana in ay kaalmeyso Ummad, ma jirta ? Qarniga 21-aad ma jiro wax qasoon” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in maamulka Waqooyiga Soomaaliya “Somaliland ” ay marti qaad u fidiso Israa’iil, waxa uuna hoosta xariiqay in qorshahaas uu sinaba u dhaqan gali doonin.
Madaxweyne Xasan, ayaa carabka ku dhuftay in shacabka Soomaaliyeed oo lagu yaqaano dad Muslimiin ah oo Qur’aanka ku dhaqma, aysan aqbali doonin qorshaha Somaliland ay Israa’iil ku heyso dhulka Soomaaliyeed.

Leave a Reply