Afhayeenkii hore ee Lafta-gareen oo guul ka sheegtay dagaalkii Baydhabo iyo xaalada oo..

Afhayeenkii hore ee Lafta-gareen oo guul ka sheegtay dagaalkii Baydhabo iyo xaalada oo..

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal aroornimadii hore ee saakay ay ciidamo taabacsan hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed Lafta0gareen ku soo qadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dagaalka la sheegay inuu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayay.

Taliyaha booliska gobolka Baay, Gaashaanle Sadiiq Doodishe oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in niman falaago ah ay weerar ku soo qadeen magaalada Baydhabo, isla markaana ay ciidamada dowladda oo afjareen.

Taliyaha ayaa hadalkiis intaas ku daray in hadda ay kala gurayaan meydadka iyo dhaawacyada ciidanka soo weeraray magaalada Baydhabo sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale afhayeenkii hore ee maamulkii Laftagareen Ugaas Xasan Cabdi oo qoraalka ku baahiyay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in guulo ay ka gareen dagaalka ay ku qadeen magaalada Baydhabo.

“Geesiyaasha Ciidamada Daraawiishta Dowlada Koonfur Galbeed ayaa saaka aroortii hore howlgal ka fuliyay magaalada Baydhabo, Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga, laguna sugayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Waxa uu bogaadineyay ciidamada heeganka ugu jira difaaca shacabka iyo ilaalinta amniga Koonfur Galbeed, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.

Ugu dambeyn Xaalada magaalada Baydhabo ayaa dagan, waxaana dib u soo noqday isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.