Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa yeeshay ayaa ka hadlay qodobo kala duwan.
Kulanka Golaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan qaban-qaabadda maalmaha xorriyadda iyo midoowga, iyo warbixin ku saabsan Hannaanka Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo xoogga saaraya horumarka Qaranka.
Golaha ayaa bogaadiyay doorashadii nabadda kusoo idlaatay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee qof iyo codka ahayd, iyada oo si gaar ah loogu mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka labaad Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaaji oo ahaa Hoggaamiyihii Kumeel Gaarka ahaa ee maamulkaasi, intii lagu jiray xilligii kala guurka iyo doorashada.
“Golaha Wasiirrada wuxuu si adag u cambaareeynayaa tallaabadii uu Hoggaamiyaha Maamulka Somaliland ku tegay dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato. Golaha ayaa xusay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay golaha wasiirrada.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Ciidamada Amniga dadaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga caasimadda, iyagoo ka hortagay falal amni-darro ah oo la doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada iyo horumarka ka jira dalka.
Kulanka ayaa ugu dambeyntii cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay xubin ka mid ah Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo magaciisu yahay Maxamed Xasan Nuur, ahna sharciyaqaan sare oo kusoo baxay habraac tartan furan ah kaddib markii xubin kale uu xilka banneeyay

Leave a Reply