Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in in si weyn loogu dabaal-dego sannad guurada 66-aad ee kazso wareegtay markii xorriyada Soomaaliya ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in cadowgaas loo baahan yahay in la tuso in weli ay nooshahay Soomaaliya, kana dhiidhineyso cid walba oo dooneysa in ay kala qeybineyso midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.
“Waxaan rabaa in si weyn loo xusay sannad guurada 66-aad ee xorriyada Soomaaliya, si loo ogaado in Soomaaliya ay weli nooshahay , waayo cadow badan ayaa soo heystay, waxaan aaminsanahay in kuwa garab ka raadinaya Israa’iil iyo kuwo kale la wiiqi doono” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.
26 juun 1960, ayey gobollada waqooyi madax-bannaanida ka qateen gumeystihii Ingiriiska, halka koonfurta isla sannadkaas ee 1-ad luulyo ( July) ay madax-bannaanida ka qaateen gumeystihii Talyaaniga.

Leave a Reply