Bannaanbaxyo Waaweyn oo la sheegayo in laga abaabulayo Oobasiibada Tookiyo ee degmada Howlwadaag

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wararka anu ka helayo dadka deggan xaafadda Oobasiibada Tookiyo ee Degmada Howlwadaag, ayaa sheegaya in halkaasi laga wado abaabul bannaanbaxyo waaweyn oo la qorsheynayo in lagu qabto waddooyin muhiim ah oo ka tirsan caasimadda Muqdisho.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka, bannaanbaxyadan ayaa salka ku haya cabashooyin la xiriira dhul ay degganaayeen muddo dheer, kaas oo la doonayo in laga barakiciyo, iyadoo lagu marmarsiyoonayo in la cabbirayo jidna loo bixinayo. Dadka deegaanka ayaa aaminsan in ujeeddada dhabta ahi ay tahay in laga barakiciyo ama lagu qasbo inay bixiyaan lacago aad u badan oo aysan awoodin.

Hore ayaa la isku dayay in dadkaasi la barakiciyo, balse qorshahaas waxaa hakiyay amakii  sida ku-meel-gaarka ah loogu joojiyay burburinta iyo barakicintii ka socotay magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa mar kale soo cusboonaatay, kaddib markii rag lagu sheegay in lacag laga qaatay, isla markaana horay loogu wareejiyay xuquuqda dhulkaas, ay yimaadeen Degmada Howlwadaag, kana codsadeen waxa ay ku sheegeen Guddiga Xaafadda in la baneeyo deegaanka si loo bilaabo cabbirka.

Dadka deegaanka ayaa ku doodaya in Oobasiibada Tookiyo aysan ahayn dhul dowladeed. Waxay sidoo kale sheegeen in dadka deggan laga dalbaday lacago u dhexeeya $18,000 ilaa $35,000, taas oo ay ku tilmaameen lacag aad uga badan tii laga qaaday dadkii deggenaa dhulalka dowladdu lahayd ee hore loo sharciyeeyay.

Wararka la isla dhexmarayo ayaa sidoo kale sheegaya in haddii bannaanbaxyadu qabsoomaan,  in mucaaradku uga faa’iideysto xaaladda si ay u abaabulaan dibadbaxyo kale ama u kordhiyaan cadaadiska siyaasadeed ee ka jira caasimadda, maadaama ay muddo ku baaqayeen bannaanbaxyo.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya arrimahan, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegaya in abaabulka bannaanbaxyada laga dareemayo aagga Oobasiibada Tookiyo.

Oobasiibada Tookiyo ee Degmada Howlwadaag waxaa ku nool dad aad u fara badan. Dadka deegaanka ayaa aaminsan in haddii bannaanbaxyadu dhacaan ay si weyn uga muuqan doonaan caasimadda Muqdisho, isla markaana ay dhiirrigelin karaan dibadbaxyo kale.

Cabashooyinka la xiriira arrimaha dhulka ayaa weli ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ka jira Muqdisho, iyadoo murannada dhulka iyo barakicinta dadka ay muddooyinkii dambe noqdeen arrimo si weyn looga hadlay.

Oobasiibada Tookiyo oo Laga Yaabo inay Noqoto Fursadda Mucaaradka ee Bannaanbaxyadii ay Muddo Ku Taamayeen

Sidoo kale xaaladda ka taagan xaafadda Oobasiibada Tookiyo ee Degmada Howlwadaag ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dadka deegaanka ay qorsheynayaan bannaanbaxyo waaweyn oo looga cabanayo arrimo la xiriira dhulka ay deggan yihiin.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in cabashadoodu ay ku saabsan tahay dhul ay muddo dheer ku noolaayeen, kaas oo la doonayo in laga barakiciyo, iyadoo loo marayo qorshe lagu sheegay cabbirista dhulka iyo furista jidad. Hase yeeshee, qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa qaba in arrintu ay la xiriirto sidii looga qaadi lahaa dhulka ama loogu qasbi lahaa inay bixiyaan lacago aysan awoodin.

Xaaladdan ayaa timid xilli mucaaradka siyaasadeed ee Soomaaliya ay muddo ku baaqayeen in la qabto bannaanbaxyo ka dhaca magaalada Muqdisho. Sida ay sheegayaan qaar ka mid ah dadka falanqeeya xaaladda siyaasadeed, haddii bannaanbaxyada Oobasiibada Tookiyo ay dhacaan, waxaa suuragal ah in mucaaradku uga faa’iideystaan xaaladda si ay u muujiyaan mowqifyadooda siyaasadeed.

Oobasiibada Tookiyo oo ay ku nool yihiin dad badan ayaa laga yaabaa inay noqoto goob ay ka bilaabmaan isu soo baxyo waaweyn, haddii abaabulka hadda socda uu hirgalo. Arrintan ayaa sare u qaadi karta xiisadda siyaasadeed ee ka jirta caasimadda Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in mucaaradku si toos ah ugu lug leeyahay abaabulka bannaanbaxyada ama in dibadbaxyada la qorsheeyay ay yeelan doonaan ujeeddo siyaasadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.