Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 2 Kiiloomitir, taas oo Dowladda Hoose ee Muqdisho ka hirgelisay degmada Dayniile.
Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan dowladda.
Ra’iisul wasaare Xamsa, oo munaasabada xarig jarka wadada ka hadlay, ayaa sheegay in Muqdisho, aysan u baahneen hub iyo fodwo, waxa uuna shacabka caasimada ugu baaqay in ay ilaalsadaan bilicda magaalada oo uu tilmaamay in qof walba ay mas’uuliyad ka saaran tahay.
Isaga oo sii hadlayay Ra’iisul wasaare Xamsa, ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir si cad ugu sheegay in magaalada ay camirmeyso, balse caqabada ugu weyn ay tahay in waddooyinka muhiimka ay biyo xireen, waxa uuna ka dalbaday in wax laga qabto dhibaatooyinka ay biyaha ku yesheen bilicda caasimada.
Waddadan cusub ayaa wax weyn ka tari doonta fududeynta isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha, isku xirka xaafadaha degmada, sare-u-qaadidda dhaqdhaqaaqa ganacsiga, iyo xoojinta horumarka kaabayaasha muhiimka ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ku casriyeynayso waddooyinka Caasimadda.

Leave a Reply