Shabeellaha Hoose (Raxanreeb Online) kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehlinayaan xildhibaano iyo wasiirro kasoo jeeda Shabeellaha hoose, ayaa ku eedeeyay saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda inay ku lug leeyihiin abaabul iyo hurinta qalalaase ka dhaca Gobolka Shabeellada Hoose.
Masuuliyiintan ayaa taliye Ku-Xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya, ku eedeeyey inuu lagu door ku leeyahay abaabulka falal qalalaase ee dhaca gobolka Shabeellada Hoose.
Waxa uu tilmaamay guddoomiye Abshirow in ay hayaan cadeeymo muujinaya qorshayaal lagu abaabulayo ciidamo ka howlgalla Shabeellaha hoose, oo la rabo in lagu dhibaateeyo shacabka gobolka.
Waxa uu carabka ku dhuftay in qorshayaan ay wataan dowlado shisheeye oo ay ku carqaladeynayaan howlaha qodista shidaalka Turkiga uu kawada Soomaaliya.
Sidoo kale guddoomiye Abshirow ayaa sheegay in amni darrada ka dhalata Shabeellaha Hoose ay sameeyn ku yeelan karto amniga magaalada Muqdisho, waxa uuna ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed in ay soo qabtaan taliye Ku-Xigeenka Booliska Soomaaliya Generaal Cabdalla Cabdalla si sharciga loo horgeeyo.
Geesta kale ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay taliye Ku-Xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo looga jawaabayo eedeeynta loo jeediyay.

Leave a Reply