Muqdisho (Raxanreeb Online): Dowladda ayaa saakay cagaf gelisay guriga Garaad Xuseen Cagey, oo kamid ahaa waxgaradka Muqdisho, isla markaana la dhashay wadaadka caanka ah Sheekh Cali Wajiis, iyo boqolaal kale oo degganaa xaafadda Jabuuti ee degmada Shangaani.
Burburinta guryaha ayaa kusoo noqnoqotay Muqdisho, iyadoo dadka deegaanka ay walaac ka muujinayaan saameynta ay duminta guryuhu ku yeelanayso shacabka iyo hantidooda.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in jugtii qaraxyada ay meeshii ka beddeshay jugta cagafyada iyo buriska lagu burburinayo guryaha, taasoo sii kordhisay cabsi iyo walaac ay qabaan dadka ku nool magaalada.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan ilaalinta hantida shacabka, habka loo fulinayo burburinta guryaha iyo mas’uuliyadda dowladda ee ku aaddan badbaadinta iyo amniga dadka Muqdisho.

Leave a Reply