Guddoomiye Jaamac iyo Cabdi Xaashi oo Muqdisho Ku Kulmay

Guddoomiye Jaamac iyo Cabdi Xaashi oo Muqdisho Ku Kulmay

Muqdisho (Raxanreeb Online): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Cabdi Xaashi ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyeeyay guushii uu ku gaaray doorashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay howlaha horyaalla labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xoojinta wada shaqeynta labada Aqal iyo sidii kalfadhiga 8-aad loo dhammaystiri lahaa shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimada dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed, Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan, Xildhibaan Gobsan Maxamed iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.