Ilhaan Cumar oo Minnesota Guul Ka Gaartay

Ilhaan Cumar oo Minnesota Guul Ka Gaartay

USA (Raxanreeb Online): Waxaa si xamaasad leh uga socda dalka Mareykanka doorashooyinka isreeb-reebka xisbiyada, kuwaas oo lagu kala saarayo musharraxiinta xisbiyada u matali doona doorashada guud ee la qorsheynayo inay dalkaas ka dhacdo dabayaaqada sannadkan.

Gobolka Minnesota ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu loollamayo, iyadoo dhawaan lasoo gabagabeeyay doorashooyin loogu tartamayay kuraas kala duwan.

Xildhibaannadda Soomaaliyeed Ilhaan Cumar ayaa ku guuleysatay doorashada isreeb-reebka Xisbiga Dimuqraadiga ee degmada 5-aad ee Minnesota, iyadoo heshay in ka badan 80% codadkii la dhiibtay, kana adkaatay musharraxiintii la tartamay.

Sidoo kale, Amy Klobuchar ayaa ku soo baxday tartanka Xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota, iyadoo horey u ahayd Senator gobolka ku matasha Aqalka Sare ee Mareykanka.

Mid kamid ah Soomaalida ka qeyb gashay codeynta ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay si weyn u taageereen Ilhaan Cumar, isagoo yiri: “Anaga maba naqaan cid la tartameysay Ilhaan, iyada ayaan u codeynay oo aan guusha u rabnay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.