Koonfur Galbeed (Raxanreeb Online): Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay sameeyay isbeddel siyaasadeed, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed uu Ibraahim Kalaay u magacaabay Duqa Magaalada Baydhaba.
Ibraahim Kalaay ayaa dhowaan ka soo goostay dhinaca maamulka Laftagareen, waxaana magacaabistiisa Duqa Baydhaba ay dhalisay hadal-hayn siyaasadeed oo la xiriirta isbeddellada ka socda magaalada iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu maamulka Koonfur Galbeed wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan magaalada Baydhaba.

Leave a Reply