Xasan Sheekh: Soomaaliya Ayaa Dunida Gargaar Siin Doonta

Xasan Sheekh: Soomaaliya Ayaa Dunida Gargaar Siin Doonta

Dhuusamareeb (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhawaan gaari doonto heer ay kaalmo iyo gargaar siiso dalalkii horey u taageeri jiray.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Dhuusamareeb, isagoo tilmaamay in la gaari doono xilli Soomaaliya ay awood u yeelato inay lacago iyo taageero u fidiso dalalkii ay horey uga heli jirtay gargaarka.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay weli si weyn ugu tiirsan tahay taageerada caalamiga ah, iyadoo la sheegay in qeyb weyn oo ka mid ah miisaaniyadda dowladda ay ku tiirsan tahay dhaqaalaha ay bixiyaan hay’adaha iyo dowladaha caalamiga ah.

Hadalkan ayaa dhaliyay dood ku saabsan qorshaha dowladda ee lagu xoojinayo isku-filnaanshaha dhaqaale, kordhinta dakhliga gudaha iyo yareynta ku-tiirsanaanta gargaarka dibadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.