USA (Raxanreeb Online): Maxkamad federaali ah oo Mareykanka ah ayaa fasaxday in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu soo afjaro barnaamijka Temporary Protected Status (TPS) ee Soomaalida, taas oo meesha ka saaraysa ilaalintii ku-meelgaarka ahayd ee ka hortageysay in qaar kamid ah dadka Soomaalida ah loo masaafuriyo.
Go’aankan ayaa saameynaya ku dhowaad 1,100 Soomaali ah oo haystay TPS, iyadoo maamulka Mareykanka uu hadda heli karo awood uu ku dhaqaajiyo joojinta ilaalintooda iyo tallaabooyinka socda ee la xiriira xaaladdooda socdaal.
TPS waa ilaalin sharci ah oo ku-meelgaar ah oo la siiyo muwaadiniin ka soo jeeda dalal ay ka jiraan xaalado aan u saamaxayn inay si ammaan ah ugu laabtaan dalkooda. Joojinta TPS-ka Soomaaliya waxaa maamulka Mareykanka horey ugu dhawaaqay Janaayo 2026.
Go’aanka maxkamadda macnihiisu ma aha in Soomaali kasta oo aan haysan sharci deggenaansho si toos ah loo tarxiilayo. Waxa uu si gaar ah khuseeyaa dadka ku tiirsanaa TPS, halka qof kasta xaaladdiisa socdaal iyo sharciyeed ay ku xirnaan karto kiiskiisa gaarka ah.
Arrintan ayaa dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan mustaqbalka Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan dadka ay joojinta TPS-ku si toos ah u saameyneyso.

Leave a Reply