Türkiye (Raxanreeb Online): Shan dalxiise oo u dhashay dalka New Zealand ayaa qaatay diinta Islaamka kaddib markii lagu martigeliyay tuulada Tatlıcak, oo hoos tagta degmada Sivas ee bartamaha dalka Türkiye.
Dalxiisayaasha oo baaskiillo ku marayay dalka Türkiye ayaa booqday tuulada, halkaas oo ay si weyn u soo jiidatay soo dhaweyntii, martiqaadkii iyo dhaqankii wanaagsan ee ay kala kulmeen dadka deegaanka.
Shanta dalxiise ayaa sheegay inay xiiseynayaan inay wax badan ka ogaadaan diinta Islaamka, waxaana loo geeyay masaajidka tuulada, halkaas oo imaamka uu uga waramay caqiidada iyo mabaadi’da Islaamka.
Kaddib markii ay wax ka ogaadeen diinta, dalxiisayaashu waxay sheegeen inay ku qanceen, waxaana ay si rasmi ah u qaateen diinta Islaamka.

Leave a Reply