Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo Ka Wada Mubaarak

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo Ka Wada Mubaarak

Shabeellaha Hoose (Raxanreeb Online): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda duleedka deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgallada ayaa billowday kaddib markii ciidamada ay heleen xog ku saabsan maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo lagu abaabulayay dhul beereed ku yaalla qiyaastii 5 KM meel u jirta Mubaarak.

Ciidamada ayaa weerarka ku bilaabay madaafiic, kaddibna waxaa xigay dagaal toos ah oo socday ilaa gelinkii dambe ee maalintii hore.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay sii wadaan howlgalka, iyadoo ujeeddadu tahay ka hortagga weerarrada Al-Shabaab iyo sugidda amniga deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.