Muqdisho (Raxanreeb Online): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay dib u bilaabi doonto howlaheeda, iyadoo duulimaadkii ugu horreeyay la qorsheeyay inuu bilowdo bisha September.
Dib u soo laabashada Somali Airlines ayaa soo afjaraysa in ka badan 30 sano oo shirkaddu hawada ka maqneyd, kaddib markii ay duulimaadyadii joojisay sanadkii 1991-kii.
Somali Airlines oo horey loogu naaneysi jiray “Xiddigta Cad ee Afrika” ayaa muddo dheer kamid ahayd shirkadihii diyaaradaha ee caanka ka ahaa qaaradda Afrika.
Dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid muhiim u ah dib u soo celinta shirkadda qaranka iyo horumarinta adeegyada duulimaadyada Soomaaliya.

Leave a Reply