Muqdisho (Raxanreeb Online): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay wada-hadal kula jirto Somaliland, iyadoo qorshuhu yahay in dadka ka dega Hargeysa laga dhaafo lacagta E-Visa ee dowladda Federaalka, balse aan gebi ahaanba meesha laga saarin nidaamka dal-ku-galka E-Visa.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Somaliland.
Dadka ka dega Hargeysa iyo Garoowe ayaa hadda wajahaya labo nooc oo lacag dal-ku-gal ah; E-Visa-da Dowladda Federaalka iyo dal-ku-galka ay qaadaan Somaliland iyo Puntland, taasoo keentay culeys dhaqaale iyo mid bulsho oo soo noqnoqday.
Qorshaha dowladda ayaa sida lagu sheegay ah in dadka Hargeysa laga dhaafo kharashka E-Visa-da Federaalka, iyadoo nidaamka E-Visa laftiisa uu sii jiri doono.

Leave a Reply