Xasan Sheekh oo Gaaray Koonfurta Gaalkacyo, Xiisadna Ka Taagan Tahay Magaalada

Xasan Sheekh oo Gaaray Koonfurta Gaalkacyo, Xiisadna Ka Taagan Tahay Magaalada

Gaalkacyo (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, isagoo socdaal dhulka ah ku maraya deegaannada Galmudug, halkaas oo uu ku joogo booqasho siyaasadeed iyo horumarineed.

Sida ay sheegeen ilo ka tirsan Villa Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa galabta la filayaa inuu dadweynaha kula hadlo Garoonka Ciyaaraha GM, iyadoo halkaasi laga abaabulay isu-soobax lagu soo dhoweynayo.

Dhanka kale, Puntland ayaa adkaysay ammaanka dhankeeda magaalada Gaalkacyo, iyadoo la sheegay in la hakiyay isu-socodka labada dhinac ee magaalada. Puntland ayaa socdaalka madaxda Dowladda Federaalka ku tilmaantay mid qalalaase abuuri kara, waxaana la kordhiyay heeganka ciidamada.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale wada abaabul ciidan oo ay ku sheegtay inuu yahay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo xukuumaddu dhinaca kale taageero siyaasadeed ka waddo doorashada Galmudug.

Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa weli isku haya arrimo siyaasadeed oo ay kamid yihiin doorashooyinka dalka iyo ciidamada, iyadoo Puntland ay deegaannadeeda ka saartay ciidamo federaal ah.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna ku sugan Gaalkacyo, halkaas oo uu ka wado kulamo bulsho iyo siyaasadeed.

Sida wararka lagu helayo, xaaladda Gaalkacyo ayaa ah mid xasaasi ah, iyadoo magaalada ay hadda u muuqato inay si weyn ugu kala qeybsan tahay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.