Xasan, Siciid iyo Axmed: Sidee Loollankoodu u Saameynayaa Soomaaliya?

Xasan, Siciid iyo Axmed: Sidee Loollankoodu u Saameynayaa Soomaaliya?

Muqdisho (Raxanreeb Online): Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Gaalkacyo, joogitaanka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ee gobolka Mudug, iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhammaantood kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya hoggaamiyeyaashan ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu wajahayo caqabado badan oo dhinaca amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada ah.

Saddexdan hoggaamiye waxay kamid yihiin siyaasiyiinta muddada dheer saameynta ku lahaa siyaasadda Soomaaliya. Mid kasta wuxuu hadda qorayaa bog kamid ah taariikhda siyaasadeed ee dalka, waxaana mustaqbalka lagu qiimeyn doonaa waxa uu qabtay iyo jihada uu dalku u qaaday.

Loollanku Soomaaliya Sidee Ayuu U Saameynayaa?

Soomaaliya waxay maanta ku jirtaa marxalad ka duwan tii hore. Isbeddellada ka socda dunida, hoos u dhaca taageerada caalamiga ah iyo soo baxa dano cusub oo shisheeye ayaa si toos ah u saameyn kara mustaqbalka dalka.

Soomaaliya weli ma gaarin isku-filnaansho buuxa oo dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga, kuwaas oo laf-dhabar u ah jiritaanka dowlad awood leh.

Xaaladdan ayaa sii adkaan karta haddii khilaafka siyaasadeed uu noqdo mid mudnaanta koowaad la siiyo, iyadoo laga tagayo wadatashi qaran iyo qorsheyaal lagu xoojinayo dowladnimada.

Mas’uuliyadda ugu weyn waxay marka hore saaran tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama uu yahay Madaxweynaha dalka. Waxaa looga baahan yahay inuu raadiyo hannaan lagu yareyn karo khilaafka siyaasadeed, laguna ilaalin karo midnimada dalka.

Arrintaas waxaa saldhig u noqon kara Dastuurka, shuruucda dalka, wada-hadal iyo isku-tanaasul siyaasadeed.

Tallaabooyinka ciidan, cadaadisyada siyaasadeed iyo tallaabooyin kale oo aan si taxaddar leh loo maareyn waxay kordhin karaan xiisadda, waxayna fursad siin karaan dhinacyo kale oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya.

Sidee Looga Bixi Karaa Xaaladdan?

Si loo helo jiho siyaasadeed oo xasilloon, waxaa muhiim ah in hoggaamiyeyaasha dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay helaan meel dhexe oo wada-hadal iyo kalsooni lagu dhiso.

Danaha qaranka waa in laga hormariyaa danaha siyaasadeed ee shaqsiyaadka iyo kooxaha.

Sidoo kale, bulshada Soomaaliyeed waxay leedahay door muhiim ah. Odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, culimada, dhallinyarada iyo haweenka waa inay ka qeyb qaataan sidii loo abuuri lahaa aragti qaran oo ka madax-bannaan loollanka siyaasadeed ee madaxda.

Haddii khilaafka siyaasadeed uu sii qoto dheeraado, waxaa kordhi kara khatarta ah in xiisaddu isu beddesho isku dhac gudaha ah, kala fogaansho siyaasadeed iyo faragelin shisheeye.

Ugu dambeyn, su’aasha ugu muhiimsan ma aha oo keliya yaa ku guuleysanaya loollanka Xasan Sheekh, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe?

Su’aasha dhabta ah waa:

Maxay Soomaaliya ka helaysaa haddii loollankoodu sii socdo?

Taasi waa su’aasha ay tahay in dhammaan dhinacyadu ka jawaabaan ka hor inta aysan siyaasadda dalka u horseedin xaalad aan si fudud looga soo kaban karin.

Waxaa Diyaariyey: Iman Jama

Leave a Reply

Your email address will not be published.