Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo Shaqadiisa Dib Ugu Laabtay

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo Shaqadiisa Dib Ugu Laabtay

Muqdisho (Raxanreeb Online): Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xildhibaan Saadaad Caliyow, oo dhawaan sheegay inuu iska casilay xilkaasi si uu ugu tartamo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa maanta dib ugu laabtay shaqadiisa kaddib markii ay soo dhammaatay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS.

Saadaad Caliyow ayaa kamid ahaa xubnihii u tartamay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, balse doorashadii ayaa ugu dambeyn lagu doortay Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si buuxda uma dhaqangelin Dastuurka cusub, iyadoo doodaha ku saabsan xilalka xildhibaannada, awoodaha hay’adaha dowladda iyo qodobbada dastuuriga ah ay weli taagan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.