Wasiir Fiqi iyo Taliyaha CXDS oo Booqday Danab ee Gaalkacyo

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha CXDS oo Booqday Danab ee Gaalkacyo

Gaalkacyo (Raxanreeb Online): Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday xarunta Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Fiqi ayaa ciidamada ku ammaanay shaqada adag iyo naf-hurnimada ay u hayaan qaranka, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada ku boorriyay inay si buuxda uga soo baxaan dhaartii iyo ballantii ay qaadeen, isla markaana ay gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Booqashada Wasiirka iyo Taliyaha ayaa qeyb ka ah kormeerka iyo dhiirrigelinta ciidamada ku sugan deegaannada Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.