Baydhabo (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee ka taagan magaalada iyo nawaaxigeeda.
Aadan Madoobe oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Koonfur Galbeed ay si adag isaga difaaci doonaan maleeshiyaadka uu sheegay inay taageersan yihiin Cabdicasiis Laftagareen.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada aysan wixii maanta ka dambeeya ku ekaan doonin difaac, balse ay qaadi doonaan tallaabooyin weerar ah oo ka dhan ah kooxaha uu ku tilmaamay “cadow isbahaystay.”
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo iyo duleedkeeda ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xiisad siyaasadeed, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan maamulka iyo jihada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Leave a Reply