DEG-DEG: Markab Calanka Kamaruun Ku Jira oo Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

DEG-DEG: Markab Calanka Kamaruun Ku Jira oo Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Xeebaha Soomaaliya (Raxanreeb Online): Markab ganacsi oo ku gooshayay calanka Kamaruun, balse ay leedahay shirkad laga leeyahay Türkiye, ayaa lagu afduubtay biyaha Soomaaliya, iyadoo la sheegay inuu xambaarsanaa qalab isgaarsiineed iyo qalab ciidan oo casri ah.

Xogaha hordhaca ah ayaa sheegaya in xilliga markabka la afduubtay ay saarnaayeen 10 qof, oo kala ahaa lix Hindi ah, laba u dhashay Georgia, hal Turki ah iyo laba Serbian ah.

Dhinaca kale, kooxaha afduubayaasha ah ayaa la sheegay inay ahaayeen siddeed qof, kuwaas oo la wareegay gacan-ku-haynta markabka.

Warar aan si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in qaar kamid ah qalabka uu markabku siday loo waday deegaanno ay kamid yihiin Laascaanood iyo Lawyacado, iyadoo la tuhunsan yahay in loo adeegsan lahaa hurinta xiisado ka dhaca Somaliland.

Hase yeeshee, xogtan ku saabsan halka hubka loo waday iyo ujeeddada loo adeegsan lahaa weli ma hayso xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya, maamulka Somaliland, dowladda Türkiye ama hay’adaha ammaanka badda.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xeebaha Soomaaliya ay dib uga soo cusboonaadeen falalka burcad-badeednimada, iyadoo maraakiib dhowr ah lagu soo warramay inay ku sugan yihiin ama ku wajahan yihiin xeebaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.