RW Xamsa: “Soomaaliya Waxay Ku Socotaa Jidkii Barwaaqada” — Xilli Qoysas Barakacayaal ah ay Waddooyinka Jiifaan

RW Xamsa: “Soomaaliya Waxay Ku Socotaa Jidkii Barwaaqada” — Xilli Qoysas Barakacayaal ah ay Waddooyinka Jiifaan

Muqdisho (Raxanreeb Online): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidka barwaaqada iyo horumarka, iyadoo dowladda ay sheegtay inay waddo qorshayaal lagu horumarinayo dalka.

Hase yeeshee, hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo beegmaya xilli hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed lagu arkay waddooyinka Muqdisho, kaddib markii la sheegay in saakay laga barakiciyay guryahoodii.

Qoysaskan ayaa wajahay xaalad adag, iyadoo carruur badan ay ka maqnaadeen iskuulladii iyo dugsi Qur’aankii ay dhigan jireen, waxaana sidoo kale jira walaac laga qabo xaaladda nololeed iyo helitaanka cunto ee qoysaska barakacay.

Arrintan ayaa dhalinaysa su’aalo ku saabsan sida loo waafajin karo hadallada dowladda ee ku saabsan barwaaqada iyo horumarka iyo xaaladda qoysaska nugul ee wajahaya barakaca iyo duruufaha nololeed ee adag.

Horumarka dalka laguma cabbiri karo oo keliya mashaariicda iyo kobaca dhaqaalaha, balse waxaa sidoo kale muhiim ah in la eego xaaladda qoysaska danyarta ah, amniga, adeegyada bulshada, waxbarashada iyo awoodda dadka ay ku heli karaan nolol aasaasi ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.