Shabeellaha Dhexe (Raxanreeb Online): Laba ka tirsan ciidamada Macawiisleyda deegaanka Wargaadhi ayaa galabnimadii 21-ka Agoosto 2026, deegaanka Tawakal oo qiyaastii 5km u jira Cali Gaduud, ku dilay horjooge muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab.
Horjoogaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Odawaa, oo loo yaqaanay Faadhuud, waxaana da’diisu ahayd 57 sano. Sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, wuxuu kooxda ku biiray sanadkii 2009, xilligaas oo uu ku sugnaa deegaanka Cali Gaduud.
Faadhuud ayaa kooxda u qaabilsanaa sahminta goobaha ay ka sameystaan fariisimaha qarsoon iyo waddooyinka ay u adeegsadaan abaabulka weerarrada gobolka Shabeellaha Dhexe.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu aqoonta uu u lahaa juqraafiga gobolka u adeegsan jiray hagidda maleeshiyaadka iyo fududeynta dhaqdhaqaaqyada kooxda.
Waxaa la sheegay inuu si gaar ah u yaqaanay dhul-kaymeedka ku xeeran Cali Gaduud, oo ay kamid yihiin Juxaay, Warta Dibisamatar, Bacadka Laandheer iyo Quracda Nayleey, halkaas oo lagu sheegay inuu kooxda u sahmiyay goobo ay ka sameystaan godad iyo gabbaadyo qarsoon.
Howlgalka lagu dilay Faadhuud ayaa, sida Wasaaradda Gaashaandhiggu sheegtay, waxaa fuliyay laba ka tirsan ciidamada deegaanka oo u dhowaaday, kadibna ku dilay hub gacmeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in dhimashada Faadhuud ay dhabarjab ku tahay shabakadda sahminta iyo hagidda weerarrada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaannada Cali Gaduud iyo dhulka kaymaha ah ee ku xeeran.

Leave a Reply