Ciidanka Danab Oo Hawlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Baay

Ciidanka Danab Oo Hawlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Baay

Bay (Raxanreeb Online): Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad, ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Yaaq-Doomaar ee Gobolka Baay.

Hawlgalkan ayaa lagu beegsaday goobo la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay u adeegsan jirtay gabaad iyo isku-abaabul, iyadoo ciidamada ay burburiyeen goobihii bartilmaameedka u ahaa hawlgalka.

Intii uu socday hawlgalka, waxaa la sheegay in xubin ka tirsanaa Al-Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin aqoonsigiisa iyo xaaladdiisa.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sheegay in ujeeddada hawlgalku ahayd wiiqidda dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab iyo xoojinta amniga deegaannada Gobolka Baay.

Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada ciidamada dowladda ay ka wadaan deegaannada Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.