Nairobi oo Markii 8-aad Ku Guuleysatay Abaalmarinta Africa’s Leading Business Destination

Nairobi oo Markii 8-aad Ku Guuleysatay Abaalmarinta Africa’s Leading Business Destination

Nairobi, Kenya (Raxanreeb Online): Magaalada Nairobi ayaa markii siddeedaad oo xiriir ah ku guuleysatay abaalmarinta Africa’s Leading Business Destination 2026, oo ay bixiso World Travel Awards.

Guushan ayaa muujinaysa doorka sii kordhaya ee Nairobi ku leedahay qaaradda Afrika, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, shirarka caalamiga ah, maalgashiga iyo adeegyada ganacsi.

Nairobi ayaa muddooyinkii dambe noqotay mid kamid ah xarumaha ugu muhiimsan ee ganacsiga iyo diblomaasiyadda Bariga Afrika, iyadoo magaalada ay martigeliso shirar, kulamo ganacsi iyo munaasabado caalami ah oo ay kasoo qeyb galaan hay’ado iyo shirkado kala duwan.

Abaalmarintan ayaa sidoo kale sare u qaadaysa sumcadda Nairobi ee ah xarun ganacsi oo caalami ah, taasoo ka caawin karta Kenya inay soo jiidato maalgashi iyo shirar caalami ah oo dheeraad ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.