DEG-DEG: Ciidamo Cusub oo Gorgor ah oo Baydhabo Laga Dejiyay

DEG-DEG: Ciidamo Cusub oo Gorgor ah oo Baydhabo Laga Dejiyay

Baydhabo (Raxanreeb Online): Ciidamo cusub oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Ciidamadan ayaa la sheegay in loo geeyay magaalada si ay u xoojiyaan amniga Baydhabo, xilli magaalada iyo nawaaxigeeda ay ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah.

Ilaa hadda lama shaacin tirada ciidamada la geeyay iyo howlgalka gaarka ah ee loo qorsheeyay, balse imaanshahooda ayaa kusoo beegmaya xilli dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xiisado siyaasadeed laga soo sheegayo gobolka Baay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.