DEG-DEG: Xiisad Siyaasadeed oo Ka Taagan Dhuusamareeb

DEG-DEG: Xiisad Siyaasadeed oo Ka Taagan Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Raxanreeb Online): Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamo lagu daadiyay agagaarka guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Maxamed Gacal, xilli uu qorsheynayay inuu furo kalfadhiga Golaha.

Sida ay tilmaamayaan ilo-wareedyo ku sugan Dhuusamareeb, Guddoomiye Gacal ayaa la sheegay inuu doonayo inuu Golaha horkeeno mooshin ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), taasoo sababtay xiisadda siyaasadeed ee hadda taagan.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay laashay natiijadii doorashadii qof iyo cod ee Galmudug, iyadoo dib loogu celinayo doorashada.

Guddoomiye Maxamed Gacal ayaa sidoo kale dhawaan muujiyay inuu ka aragti duwan yahay habkii Dowladda Federaalka u maareysay doorashada Galmudug, isagoo arrintaasi kaga hadlay magaalada Muqdisho.

Xaaladda siyaasadeed ee Dhuusamareeb ayaa hadda ah mid xasaasi ah, waxaana si gaar ah isha loogu hayaa furitaanka kalfadhiga Golaha Wakiillada iyo tallaabooyinka uu qaadi doono Guddoomiye Gacal.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya sababta ciidamada loogu daadiyay guriga Guddoomiyaha ama in mooshin xil-ka-qaadis ah si rasmi ah loo gudbin doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.