DEG-DEG: Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya oo Muqdisho Ka Ambabaxay

DEG-DEG: Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya oo Muqdisho Ka Ambabaxay

Muqdisho (Raxanreeb Online): Safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya, Suleymaan Dedefo, ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, kaddib muddo ku dhow hal sano oo uu Soomaaliya ka shaqeynayay.

Sida lagu sheegay munaasabad sagootin ah oo Safaaradda Itoobiya ay u sameysay, Safiir Dedefo ayaa soo gabagabeeyay muddadii uu xilka hayay, waxaana uu dib ugu laabtay dalkiisa Itoobiya.

Safiirka ayaa Muqdisho yimid xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu kasoo kabanayay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay is-afgaradkii badda ee Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga hortimid.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 dalka ka cayrisay safiirkii Itoobiya, iyadoo xiriirka labada dal uu galay xaalad aad u cakiran. Balse markii dambe waxaa bilowday dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu soo celinayo xiriirka, waxaana Soomaaliya loo soo magacaabay Safiir Dedefo.

Ilaa hadda, Itoobiya ma aysan magacaabin safiir cusub oo beddela Suleymaan Dedefo, waxaana indhaha lagu hayaa tallaabada xigta ee Addis Ababa iyo magacaabista diblomaasiga cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona.

Bixitaanka safiirka ayaa kusoo beegmaya xilli labada dal ay isku dayayaan inay sii xoojiyaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.