Muqdisho (Raxanreeb Online): Ciidamo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya oo tababar ku soo dhamaystay dalka Turkiga ayaa la filayaa in dhawaan lagu qalabeeyo maraakiib dagaal iyo agab ciidan oo loogu talagalay howlaha badda.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo la doonayo in kor loo qaado awoodda Ciidanka Badda Soomaaliya.
Maraakiibta iyo qalabka la siinayo ciidamada ayaa loo adeegsan doonaa ilaalinta xeebaha Soomaaliya, la-dagaallanka burcad-badeedda iyo ka hortagga kalluumeysiga sharci-darrada ah, oo muddooyinkii dambe caqabado ku ahaa amniga iyo dhaqaalaha badda Soomaaliya.
Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca badda ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh ilaalinta biyaha territorial-ka dalka iyo khayraadka badda.
Faahfaahinta ku saabsan tirada maraakiibta iyo nooca qalabka la siinayo ciidamada weli si rasmi ah looma shaacin.

Leave a Reply