MW Xasan Sheekh oo Ka Qaybgalay Shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn

MW Xasan Sheekh oo Ka Qaybgalay Shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn

Belgrade, Serbia (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Belgrade ee dalka Serbia kaga qeyb galay Shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (Non-Aligned Movement).

Madaxweynaha ayaa shirka kusoo bandhigay caqabadaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee dunidu wajahayo, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta caalamiga ah.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo dadaallada dowladda ee ku aaddan xasilloonida, dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, iyadoo Soomaaliya ay raadineyso iskaashi caalami ah oo wax ka tara amniga iyo horumarka.

Shirka Belgrade ayaa diiradda lagu saarayaa sidii dalalka aan isbahaysiga ahayn ay uga wada shaqeyn lahaayeen nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo xallinta khilaafaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.