Baydhabo (Raxanreeb Online) Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inay si buuxda gacanta ugu hayaan nabadgelyada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kadib dagaal gudaha magaalada ku dhex maray ciidamo taabacsan Laftagareen iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Maamulka ayaa sheegay in xaaladda amni ee magaalada ay hadda gacanta ugu jirto hay’adaha ammaanka, iyadoo ciidamada maamulka ay wadaan sugidda amniga iyo xasilinta xaaladda.
Sidoo kale dagaalka ayaa la sheegay in uu ku dhintay Taliye Xigenkii Ururka 11 aad Ee Ciidanka Booliiska Birmadka Qeeybta Gobalka Baay Baydhabo Maaya Fuulka Axmed Samakaay iyo ciidamo badan.
Dhinaca kale warar madax banaan ayaa sheegaya in cidamada Laftagareen ay dagaalka ku qabsadeen 5-gaari oo midkamida uu saraanyahay Zuu-23 iyo hub kale.
Wixii faahfaahin dheeraad ah halkan kala soco.

Leave a Reply