Nairobi ( Raxanreeb Online) Sida wararka soo baxaya ay sheegayaan dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay bisha October 2026 wajahdo qiimo-koror ku yimaada gaaska wax lagu karsado, kaddib markii ay sare u kacayaan kharashaadka la xiriira maadooyinka iyo waxyaabaha loo adeegsado soo saarista iyo diyaarinta gaaska.
Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, kororka qiimaha ayaa la xiriira lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay qaar ka mid ah maadooyinka lagu farsameeyo gaaska, taas oo kordhinaysa kharashaadka shirkadaha ka shaqeeya soo dejinta, farsamaynta iyo qaybinta Gaaska.
Qiimo-korkaan ayaa si gaar ah u saameyn kara qoysaska ku tiirsan gaaska wax lagu karsado, maqaayadaha iyo ganacsiyada kale ee isticmaala Gaaska, iyadoo la filayo in kharashaadka dheeraadka ah ay qayb ahaan ugu gudbaan macaamiisha.
Kenya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jirtay sidii loo kordhin lahaa isticmaalka gaaska, gaar ahaan iyadoo la doonayo in bulshada lagu dhiirrigeliyo inay ka guurto isticmaalka shidaallada kale ee wax lagu karsado.
Haddii qiimaha Gaaska uu kordho bisha October, waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho kharashaadka nolosha iyo qiimaha adeegyadaqaarkood, gaar ahaan kuwa si weyn ugu tiirsan gaaska.
Si kastaba ha ahaatee, qiimaha rasmiga ah ee kororka iyo inta uu gaarsiisan yahay weli waxay ku xirnaan doonaan go’aannada iyo xogta rasmiga ah ee hay’adaha iyo shirkadaha ka shaqeeya suuqa Gaaska ee Kenya.

Leave a Reply