News York (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Dambudzo Mnangagwa, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Pakistan, Muhammad Shehbaz Sharif.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalkaasi iyo arrimo la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dhinacyadaasi.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay nabadda iyo amniga, dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo sidoo kale ka hadlay fursadaha iskaashi ee Soomaaliya ay la yeelan karto dalalkaasi.



Leave a Reply